Till innehåll

Förintelsen waa tusaale ka mid ah waxyaabaha ku cabsi galinaaya ee dhici kara haddii aynaan si joogto ah uga hadlin dimuquraadiyadda iyo sinnaanta aadanaha.

  • Dembiile – macnahiisu waa "qof galay nooc faldembiyeed ah". Arrinta khuseysa Förintelsen, ayay Naasiyiintu ahaayeen cidda ka dambeysay xasuuqa, dambiileyaal. Laakiin may aheyn kuwa kaligood sameeyey Förintelsen ama fuliyay dhammaan kadeedista/dhibaataynta iyo dilka. Xukuumadaha ka dhisan waddamada kale ee Yuhuudda iyo qawmiyadda dadka reer Roma laayey ama u direy xeryaha lagu soo ururiyey iyo kaamamaka dabargoynta ee caawinaayey Naasiyiinta ayaa sidoo kale dambiilayaal ahaa. Shakhsiyaad gaar ah ayaa sidoo kale noqon kara dambiilayaal.
  • Dhibbaneyaasha – waxa uu micnahiisu yahay in qof ama dad loo geystey dabogal ama rabshado. Ereyga dhibbane waxa uu yeelan karaa macnaha ah inaanay wax iska caabin ah oo ku wajahan dembiilayaashu jirin taas oo aan run ahayn. Dad ka tirsan qowmiyadaha Yuhuudda iyo reer Roma ayaa dhibbane u ahaa dilkii Naasiyiinta iyo kuwii caawinaayey. Naasiyiintu sidoo kale waxay dileen kooxo ay ka mid yihiin kuwa siyaasadda ka soo horjeeda, khaniisiinta, Markhaatiyaasha Yehowah, iyo dadka naafada ah. 
  • Daawadeyaasha - daawade waa qof wax dhibki arkaaya ama daawanaaya isla markaana aan waxba ka qaban. Waxa ay noqon karaan shakhsiyaad ama xukuumado ka jira waddamo. Sababaha aanay daawadeyaashu waxba u sameynin ayaa kala duwanaan kara. Waxay noqon kartaa cabsi ama inaanay dan ka laheyn, ama sababo kale awgood. Laakiin dad badan oo daawadayaal ka ahaa Naasiyiintii Jermalka ayaa si uun ugu lug lahaa Förintelsen, tusaale ahaan, shaqadooda ama iibsiga guri ay Yuhuuddu lahaayeen laakiin ay Naasiyiintii la wareegeen.